Madaxweynaha PL oo la kulmay Xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha Dowladda Federaalka.[Masawiro]
September 4, 2020 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan casho Sharaf ah u sameeyay xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay xubnahan warbixin ku saabsan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda doorashada ee dalku marayo iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay qabsoomto Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda dhacda.
no images were found
Dhinac kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay munaasabad Qado Sharaf oo ay u sameeyeen xubnaha Puntland ku metala Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka ah. Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah , La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.
= DHAMMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND