Maxkamada Derajada Koowaad ee Gobolka Bari oo xukun dil ku riday Eedaysanayaashii dilay Naciima Cabdi Maxamed.[Video]
November 5, 2020 - Written by EditorBoosaaso:-Maxkamada Derajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay dil ku xukuntey Rag loo haystay inay dil iyo kufsi ugu gaysteen duleedka Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka bari Naciima Cabdi Maxamed.
Taliska Booliska Gobalka Bari ayaa maalintii shalay Shaaciyey in ciidanka amniga Gobolka Bari ay gacanta ku soo dhigeen 2 gacan ku dhiigle oo dilay Naciimo Cabdi Maxamed 24-10-2020 lagana helay meydkeeda duleedka Bosaaso.
Taliska Booliska Gobalka Bari ayaa sheegay howl galo socday maalmihii la soo dhaafay ka dib xog ay helleen ciidanka waxaa lagu guulaystay in la qabto arxan laawayaashii dilka foosha xun u geystay Naciimo Cabdi Maxamed lana gayn doono Maxkamada si wajibkooda loo mariyo.
M_M_Deeq
Halgan.net