Madaxweynaha Puntland oo amray Khidmada ay ka qado Shirkadda P&O Ports ee Dekkada Boosaaso in lagu shubo Akoonada Maamulka Dekadda Boosaaso

November 30, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray wareegto Madaxweyne Lr. 06, 30 November 2020, ayaa ku wargeliyey Maamulka Dekadda Boosaaso in Khidmada ay qaado Shirkadda P&O Ports lagu shubo Akoonada Maamulka Dekeda Boosaaso.

Wareeegto Lr. 06, ee 30ka November 2020, kuna saabsan wargelin

Ku: Maamulka Dekedda Boosaaso

Og: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Laga billaabo 1da December 2020, waxaa Maamulka Dekedda Boosaaso lagu wargelinayaa in khidmada ay qaado shirkadda P&O Ports lagu shubo Akoonada hoos ku qoran ee Bangiyadda Amal iyo Salam oo ay leedahay Maamulka Dekeda Boosaaso;

1. Bangiga Amal AC. 1013677059

2. Bangiga Salam AC. 80650000

Fulin Wacan

Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dawladda Puntland

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online