Madax Shirka Range Resources Limited oo mar kale ka warbixiyey howsha qodista Shidaalka ee Dooxada Dharoor
May 19, 2012 - Written byWaraysi lala yeeshay madax shirkada Range Resources Peter Landau oo ah shirkada ka mid ah shirkaddaha ka qodaya shidaalka Ceela Shabeel1 ee Dooxada Dharoor ayaa waxaa la wiidiiyey su’aalo furan oo ku saabsan howsha qodista Shidaalka ee Puntlland iyo meesha ay marayso haddaba waraysiga oo ah mid dheer ayaa waxaa lagu soo daabacay webka Shir ka Range Resources Limited waxaan uu waraysigu u dhacay sidatan.
Openbriefing.com: Range Resources Limited waxaa ay shalay iclaamiyeen dhamaystirka howl wadeenka Horn Petroleum uu dhamays tiray qodaalkii ceelka Shabeel 1 iyadoo saamiga ay shirkad waliba ay ku leedahay uu yahay sida tan (Range Resources Limited 20%, Horn Petroleum 60%, Red Emperor Resources NL 20%) Qodista Ceelka Shabeel1 ee Dooxada Dharoor ayaa qiyaastii iyadoo ay u dhimantahay ilaa 300 m sidda qorsahu ahaa ayaa joojiseen waa maxay qiimayntaada natiijada laga gaaray ?
MD Peter Landau (Madax Shirada Range Resource) ayaa ku jawaabay in ceelka Shabeel1 howshiisu ay muujisay guul muuqata ilaa waqti gaan, guushaas oo ah helitaanka la hellay 12 ilaa 20 m oo ah wax loo yaqaan hydrocarbon pay zone ee ku jirta Jesomma sands. ( Waa lakabka caado ahaan marka Oil ama Gaaska la helo ay ku jiraan) haddaba goobtaas waxay u baahan tahay in qaab gancansi loo tijaabiyo taasna waxaa la samaynayaa marka la dhameeyo ceelka kale ee Shabeel North ama Shabeel 2 oo howshiisa la bilaabi doono horaanta bisha Jun.
MD Peter Landau (Madax Shirada Range Resource) ayaa yiri Inagoo ku salayanayna warbixnta ay noo soo gudbiyeen kooxda farsama yaqaanada Shiradda Range Resource ee ku sugan Ceelka Shabeel 1 ee Dooxada Dharoor warbixintooda in tijaabo guulaysta ay natiija deedu noqonayso 70 ilaa 130mm foosto oo shidaal ah laga heli karo ceelka taas oo 14 ilaa 26mm ppls (qiyaasta shidaalka ceeriin ah).
MD Peter Landau (Madax Shirada Range Resource) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri waxaa kale oo ah muhiim in la xusuusto in tani ay tahay ceelkii ugu horeeyey oo Hydrocarbon (Waa meesha uu ku jiro Shidaalka iyo Gaasku) ee Dooxada Dharoor mudo 50 sanno ku siman waxaa ay guul u tahay dhamaan inta ku lug leh sida Horn Petroleum , dowllada Puntlland iyo dadka degaanka ee ree Puntlland in ceelka Shabeel1 ee dooxada Dharoor ay howshiisii ay guul ku dhamaatay.
Ilaa iyo hadda ma jiro masuul ka tirsan dowllada Puntlland oo ka hadlay meesha ay marayso qodista shidaalka ee ceelka Shabeel1 ee Dooxada Dharoor
Source :Range Resources
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
2 Comments so far
Leave a comment
asc dadka soomaalida taageeradooda iyo nacaybkooda waa wax ku salaysan qabiil, warar ay webab ku qoreen ma garan meesha ay ka soo xigteen, webab ka caalamiga qaarkood waxayba leeyihiin waa ganacsi gal. http://www.proactiveinvestors.co.uk/companies/news/43010/range-resources-confident-of-commercial-discovery-in-puntland-43010.html
masha alaah ilaahay hanoobarakeeyo waa guul ummada soomaliyeed usoo hoyatay waxaan dhawaan filaynaa in tijaabadaasna ay guulkudhamaato oo si rasmia ah loogu dhawaaqo inta kamiyo oo kujirta khayrbadan ayaan ALAAH SWT karajaynaynaa