Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed oo u baqoolay magaalada Addis Ababa
May 20, 2012 - Written byAddis Ababa:- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaas oo maalinta birito ah uu ka dhici doono shir ay isugu imaanayaan saxiixayaasha Roud-Map-ka .
Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirka G/dhiga ee DFKM Xusen Carab Ciise iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFKM
Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa inta uusan ka baqoolin magaalada Muqdisho saxaafada la hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo diyaargaroobo shirka ka dhacaya magaalada stanbul ee dalka Turkiga kaas oo lagu gorfeyn doona wixii ka hergalay shirkii ka dhacay magaalada london 23-kii February 2012.
Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa sheegay in uu guul ku soo dhamaaday socdaalkii uu ku soo maray wadamada kala ah New York, Ugandha, Burundi iyo Kenya.
Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa haatan waxaa gaaray Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ,Raisulwasaare Gaas ,Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole,Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo wafdi ka socda kooxda la baxday Ahlu Suna.
Shirka lagu wado in uu ka furmo maalinta Isniinta Addis Ababa, ayaa waxaa dalbatay madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ka dib markii uu maamulkiisa uu saluugay dastuurka qabyo qoraalka .
A/Cawale
Halgan.net