Gudiga dib u habeynta Ciidamada dawladda Puntland oo kormeeray Dugsiga tababarka Xorgoble.[Masawiro]
January 16, 2021 - Written by EditorQardho:- Gudiga dib u habeynta Ciidamada dawladda Puntland oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaradda Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga ayaa manta gormeer shaqo ku tagey dugsiga tababarka Xorgoble.
Booqashada ka dib masuuliyiinta ayaa u guur galay hannaanka tababar ee ciidamadu ay qaateen iyo qaabka loo carbiyay mudadii uu tababarku uga socday dugsiga.
Ciidamada ayaa soo bandhigay waxyabii tababrka ay ku qaateen gudiguna ay ku amaaneen Saraakiisha iyo macalimiinnta. Maalinta berri ah ayaa la filyaa in la qaban doono munaasabada soo afmeerida Tababarka Ciidamada booliska dawladda Puntland.
no images were found
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland