Saxiixayaasha Roadmap-ka oo uu Shir uga Furmay magaalada Addis Ababa
May 21, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa si rasmi uga furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya shir ay saxiixayaasha Roadmap-ka uga hadli doonaan dastuurka DFKM iyadoo shirkaas ay ka qaybgalayaan dhamaan saxiixayaashii heshiiska Roadmap-ka
Kulankan ayaa waxaa ka geyb galaya Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ,Raisulwasaare Gaas,Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xasan,Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ,Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo kooxda la baxday Ahlu suna.
Shirka ayaa waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Augustine Mahiga, wakiilka Mareykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Jean Swan, madax sare oo ka socota Midowga Yurub ,Midowga Afrika ,IGad iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Siciid Yuusuf Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in shirka uu socon doono mudo laba maalmood ah waxaana lagu lafaguri doonaa ayuu yiri qodobbada dastuurka ee muranka uu ka dhashay oo ay ka biyo diiday Puntland.
A/Cawale
Halgan.net