Wariye ka tirsan Idaacadda Shabelle oo lagu dilay Muqdisho
May 24, 2012 - Written byAllaha u naxariistee waxaa dhagar qabayaal hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho Wariye Axmed Cadow Canshuur oo ka mid ahaa wariyaasha firfircoon ee ka shaqayn jiray Idaacada Radio Shabelle oo ah idaacada ka howl gasha magaalada Muqdisho, Wariye Axmed Cadow ayaa 4 dhalinyaro ah oo ku hubeysan bistoolado waxaa ay ku toogteen degmada Dhar keenlay ee gobolka Banaadir xili uu marxuun ka la dilay uu ku sugnaa Xaafadda Suuq Boocle.
Ilaa hadda ma jirto koox sheegtay dilka wariye Axmed Cadow balse Idacaadda Shabelle ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay sheeg tay in handadaad loo jeediyey idaacadda Shabelle. Ma ah markii ugu horaysay oo wariye soomaaliyeed ee aan wax danbi ah geli lagu dilo dalka Soomaaliya , Kooxa dilalka la beegsada wariyaasha ayaa u jeedadooda ugu weyn ay tahay in ay aamusiyaan barmaamijta siyaasadeed ee ay u arkayaan in ay lid ku tahay afkaarta ay aaminsan yihiin waan tan mar walba sababta in la dilo wariyaal aan wax siyaasad ah shaqo ku lahayn.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay wariye Axmed Cadow Canshuur uu ahaa wariye Idaacadda Shabeele ugu xil saarnaa barnaamijka qubanaha wararka Shabelle oo ah barnaamij siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaluda lagu wareysto sidda idaacada Shabelle ay sheegtay.
A/cawaale
Halgan.net