Qarax xalay ka dhacay Xaafada Israac iyo ciidanka Booliska Gaalkacyo oo dad u qabtay
May 25, 2012 - Written byCiidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo ee dowllada Puntland ayaa xalay ilaa saaka howl galo ay ka sameeyeen Xaafada Israac waxaa ay ku soo qabteen dad la tilmaamay ama looga shakisan yahay in xalay ay Bam gacmeed ku weerareen dad shacab ah oo madani ah oo iyagu si gaar ah isku xilqaamay in ay xoojiyan amaanka xaafada Israac. Qarax Bamka markii uu dhacay ayaa waxaa ku dhintay ilaa 2 qof waxaan ku dhaawacmay 7 qof oo dhamaantood la geeyey Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ,Ciidanka PIS iyo Booliska magaalada Gaalkacyo oo soo gaaray goobta qaraxu ka dhacay ayaa sameeyey howl galo ay ku guulaysteen ilaa xad in ay qabtaan dad lagu tuhunsan yahay in ay ka danbeeyeen qaraxa.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo la hadlay saaxaafada ayaa sheegay in qaraxii xalay ka dhacay Xaafada Israac ay dad u qabteen ayna hadda ku hayaan baaritaan iyagoo sheegay in xog ay helleen ay rajaynayaan in kooxdii soo abaabushay in ay weerar Bam ah ka geystaan Xaafada Israac ay ciidanku ay ku guulaysteen in ay qabtaan. Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa bilihi la soo dhaafay laga dareemay nabadgelyo iyo amaan iyadoo taas loo aanay nayo culays dhinac howlgalka amaanka ay ka sameeyeen ciidanka Booliska Gaalkacyo xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo iyo bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo oo loo sameeyey wacyi gelin ku aadan dhinac amaanka.
M_M_Deeq
Halgan.net