Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo kulan la qaatay Maamulka degaanka Buurtinle
April 28, 2021 - Written by EditorBurtinle:-Wasiirka Arrimaha gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyada Dawladda Puntland Hon. Mohamed A. Dhabancad ayaa Degmada Buurtinle kulan kula qaatay Maamulka degaanka & Odayaasha iyo waxgaradka.
Wasiir Dhabancad ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Xildhibaannada Golaha Degaanka isaga oo kala hadlay wadashaqeynta iyo dardargelinta shaqooyinka Dawladda.
Inta uu ku sugnaa Burtinle waxa uu Wasiirka sidoo kale, kulan la qaatay odayaasha iyo Waxgaradka isaga oo kala hadlay muhiimada ay leedahay xoojinta Horumarka, Nabada iyo nidaamka Dimuqraadiyadda.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta