Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed oo gaaray Degmada Afgooye
May 29, 2012 - Written byAfgooye:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa gaaray goor dhow degmada Afgooye Gobolka Shabeellada hoose , halkaas oo ay maalmo ka hor la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM .Madaxweyne Shariif ayaa waxaa galbinayey oo amaankiisa si xooggan u sugayey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM .
Madaxweynaha DFKM ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya ku simaha Raisulwasaaraha DFKM Ugaas Cabdi Wahaab Ugaas Khaliif iyo wasiiro ka tirsan xukuumada DFKM waxayna haatan ku sugan yihiin Beerta Sheekh Zaa’id oo ay kulamada ay ku qaban jireen madaxada sare ee Ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha DFKM ayaa booqashadiisa waxaa uu ka soo bilaabay deegaanka Garasbaaley, KM13, ilaa deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo uu wax yar ku hakaday isaga oo qacan qaaday qaar ka mid ah ganacsatada deegaanka Ceelasha Biyaha.
Madaxweyne Shariif oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM ayaa kulan la qaatay ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanka Calamada halkaas oo madaxweynaha warbixin lagu siiyey qaabka uu u socdo dagaalka .
Madaxweynaha DFKM ayaa socdaalkiisa sii watay waxaana uu ka dhaqaaqay Deegaanka Calamada isaga oo cagta sii mariye deegaanka Carbiska, Koontaroolka Baar Ismaaciil, wuxuuna gaaray markii danbe degmada Afgooye.
Socdaalka uu ku tagay Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed Degmada Afgooye Gobolka Shabeellada hoose ayaa ah socdaalkii ugu horeeyey uu ku tago deegaano ka baxsan magaalada Muqdisho .
A/Cawale
Halgan.net