Afhayeenka XFS oo sheegay in shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka uu maalmaha soo socda uu furmi doono
December 31, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu shirkaasi ka furmayo magaalada Muqdisho, isla markaana ay joogaan madaxda afar maamul gobolleed.
Afhayeenka ayaa sidoo kale shaaciyey in Madaxweynaha K/Galbeed oo ah halka Madaxweyne ee Muqdisho ka maqan u dhawaan imaanayo, si uu uga qeyb galo shirka.
“Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan,” ayuu yiri Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim.
Qoraalka Macalimuu ayaa intaas ku sii daray, “Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.
Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.”
Source: Sonna