Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka tacsiyeeyey Geerida Sh Abdinaasir Xaji Axmed.
February 22, 2022 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay Kismaayo.
“Alle ha’unaxariisto Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay maanta Kismaayo, wuxuu ahaa Shiikhu nin wakhti badan geliyay dacwada, muxaadarooyinka iyo in marwalba Bulshadeena la xasuusiyo ku dhaqanka diinta.
Waxaan Tacsi u dirayaa dhammaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Culimaa’udiinka, ehelkii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday, isagana waxaan alle uga baryayaa inuu janadii geeyo, dadkii kale ee weerarkaasi ku dhaawacmayna alle ha u booga dhayo. Aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
—DHAMMAAD—