Madaxweynaha Jubaland oo marti qaaday Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Jubaland.[Masawiro]
April 25, 2022 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku marti qaaday Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Jubaland ee dhawaan soo gaba gabeeyay doorashooyinka labada deegaan doorasho ee Jubaland.
Madaxweynaha ayaa xubnahan uga mahad celiyay shaqadii adkayd ee ay soo qabteen taas oo muhiim u ahayd dhismaha Dowlada Cusub ee dalku uu dhawaan yeelan doono lagagana gudbayo marxaladan adag ee hada uu dalku ku jiro.
Waxaa kale oo munaasabadan Madaxweynaha ku wehelinayay labada Madaxweyne ku xigeen iyo gudoonka baarlamaanka iyo masuuliyiinta labaad heer ee Guddiyada doorashooyinka dalka.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net