Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo la kulmay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.[Masawiro]
May 5, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiye ku Xigeenka Golaha Shacabka marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta waxay kulan la qaateen safiirka boqortooyada UK marwo Kate Foster.
Safiirka UK marwo Kate Foster ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ugu hambalyeysay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray habsami u socodka hannaanka doorashada madaxweynaha JFS ee looga gol leeyahay in ay ku dhacdo qaab hufan, nabdoon oo lagu wada qanacsan yahay.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net