Dilalka Haldoorka magaalada Gaalkacyo oo weli socda iyo eedaysanayaal la qabtay

August 2, 2013 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Ciidanka Booliska Puntlland ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa howl gal ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo waxaa ay soo qabteen ilaa 4 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay ka danbeeyeen dil xalay loogu geystay magaalada Gaalkacyo nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Jabriil Aadan Axmed.

Marxuun Jabriil Aadan Axmed ayaa la dilay xili uu xalay ku sii socday gurigiisa oo ku yaal Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalakacyo iyagoo kooxdii dilka u geystaya ay baxsadeen. Dilka marxuun Jabriil Aadan Axmed ayaa noqonaya qofkii 3aad ee ilaa intii lagu jiray bisha barakaysan ee Ramadaan lagu dilo magaalada Gaalkacyo, dilalka haldoorka magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid joogto ah iyadoo kooxaha dilka geystay ay yihiin kuwa u abaabulan magac diin iyo mid beeleed.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland Jaamac Maxamed Axmed oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dilkii xalay ka dhacay magaaalada Gaalakacyo loo qabtay ilaa 4 qof su’aalana ay ciidanku wiidiinayaan wixii a soo baxana ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online