Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF oo ka baxday Soomaaliya
August 14, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF ayaa maanta si rasmi ah u sheegtay in ay joojisay dhamaan howlihii ay ka heysay Soomaaliya waxaana ay xirtay dhamaan xafiisyadii ay ku lahayd dalka.
Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF ayaa ka howlgaleysay gudaha dalka Soomaaliya 22-kii sano ee ugu dambeeyay waxaana dhowr jeer weeraro ku qaaday kooxo burcad ah .
Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF ayaa maanta warsaxaafadeed ka soo saartay sababa ay uga baxday Soomaaliya waxayna sheegtay in kooxo abaabulan oo leh hogaamiyaal shibil ah ay ku lug leeyihiin weerarada lagu qaaday MSF iyo Shaqaalaheeda.
Guddoomiyaha Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF Unni Karunakara ayaa sidoo kale sheegay in in ka badan 1,500 oo shaqaale ay hay’adda uga shaqeynayeen gudaha Soomaaliya waxaana ay ka howlgali jireen Muqdisho, Gaalkacyo ,Kismaayo,Afgooye,Balcad,Jowhar,Diinsoor,Jilib,Burco,iyo magaalooyin kale.
A/Cawale
Halgan.net