Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka DFS oo gaaray magaalada Kismaayo
August 15, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamanka DFS ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose xildhibaanada ayaa waxay kulamo la yeelan doonaan madaxada Maamulka J/land .
Wafdiga Xildhibaanada ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa horkacaya Xildhibaan Cabdirashiid Cali Xiddig waxaana uu warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Xildhibaan Cabdirashiid Cali Xiddig ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda uu yahay in la soo afjaro khilaafka ka dhex aloosan madaxada DFS iyo Maamulka J/land waxaana uu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in xal laga gaaro khilaafka DFS iyo Maamulka J/land oo gaaray meel aad u xun.
Xildhibaan Cabdirashiid Cali Xiddig ayaa sidoo kale sheegay in ay u yimaadeen Kismaayo in ay uruuriyaan warbixin iyo khasaarihii ka dhashay dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo
A/Cawale
Halgan.net