Banaanbaxyo goordhow ka bilaawday Qaahira iyo gobollada dalka Masar.

August 16, 2013 - Written by Editor

masarQaahira:Waxaa dhawaan ka bilaawday magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar banaanbaxyo waaweyn oo lagu diidan yahay ciidanka Melatariga ee dalka Masar oo inqilaabka kula wareegay taladii dalka Masar waxaana banaanbaxa sidoo kale lagu eedeeyey Mujrimiintii shalay xasuuqay shacabkii sidda nabad ah u banaan baxayey.

Banaanbaxyada Waaweyn ayaa waxay bilaawdeen salaadii Jimco ka dib waxaana ay ka socdaan Qaahira ,Askandariya ,Minya ,Asyuud ,Xalwaan,Cariish,Siinaa iyo magaalooyin kale oo badan dibadbaxayaasha ayaa waxay ku qeylinayaa halku dhagyo lid ku ah Jen Siisi oo ah hogaanka sare ee ciidanka Melatariga .

Banaanbaxa ayaa waxay taageerayaasha Madaxweynihii la doortay Maxamed Mursi u bixiyeen (“جمعة الغضب”) Ciidanka Melatariga ee dalka Masar ayaa waxaa uu adeegsanayaa Rasaas iyo Diyaarado dagaal warar hordhac ah ayaa sheegaya in shacab badan uu gaaray khasaaro kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Wararkii ugu danbeeyey ee ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in shacabka ay jiireen ciidanka Melatariga ayna ku sii siqayaan Fagaaraha Ramses waxaa Qaahira ka socda Rasaas xooggan oo ay ridayaan ciidanka Melatariga ee dalka Masar.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online