Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-hidaaya ee Nairobi Sh Shibli.[Dhagayso]

August 16, 2013 - Written by Editor

alhidaayaNairobi:-Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa ka jeediyey khubadii Jimce Masjidka Al-Hidaaya oo uu Sheekhu duruus badan ka akhriyo, Sh Maxamuud Maxamed Shibli ayaa maanta waxaa uu khudbadiisa uga hadlay waajibka ka saaran culimada islaamka guud ahaan gaar ahaan culimada Soomaaliyeed in ay ka difaacaan kuwa diinta Islaamka ku been abuurta oo bedela nusuusta Quraanka iyo Sunadda Nabigeena Mohamed Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee.

Sh.Shibli ayaa xusay in ay jiraan kuwo diinta ama wax ay ka soo naqlinayaan culimada ka been sheega iyagoo adeegsanaya in ay  isku jar jaraan Axaadiista iyo qur’aanka si micno baadil ah looga soo saaro arrinkaas oo ay sameeyaan kuwa gashtay shaarka culimada. Sh Shibli ayaa waxaa kale oo  tilmaam ka bixiyey kooxda takfiir ka oo uu u qaybiyey labo qaybood kuwo qolooc iyo faham xumo ay la gashay Takfiirnimada oo aan dadka la tukan iyo koox kale oo lagu shaqaalaysiiyey gaalaysiinta dadka muslimiinta ah wax ay afka ka sheegayaan iyo ficilkooduna uu yahay wax is khilaafsan oo aad arkaysid dadkii ay gaalaysiinayaan iyagoo la tukanaya ama ku salaamaya Salaanta islaamka.

Sheekh Shibli ayaa xasuusiyey dadkii dhagaysanayey khubada Jimcaha in ay jireen kooxo badan oo lumay oo ka leexday dariiqii Ahlusunaha balse Quraanka iyo Sunada ka raadsadaan wax ay been abuurkooda qiil uga dhigtaan balse arrinkaas ay ka hortageen culimadii Ahlusunaha oo muslimiinta u cadeeyey in kooxahaas ay garab mareen dariiqii saxda ahaa ee Ahlusunaha.

Sh Shibli ayaa waxaa uu balan qaaday in khudbadaha soo socoda uu sheegi doono magacyo soomaaliyeed iyo kuwa carbeed oo ku been abuurtay  diinta Islaamka iyo culimadii Islaamka iyagoo ku dhacay  xadgudub diineed gaalniman ku tuuray umada Islaamka ah. Sh Shibli ayaa uga digay dadka shacabka ah in aysan gelin wax aysan shuqul ku lahayn gaar ahaan marka laga hadlayo diinta Islaamka oo ay iyagu dhagaystayaal noqdaan cilmiga sharcigana ay bartaan si ay u ogaadaan kuwa diinta bedelay oo beenaalayaasha ah.

Ugu danbayntii ayaa Sheekh Shibli waxaa uu sheegay in marka laga hadlayo diinta islaamka ama laga difaacayo kuwa beenaalayaasha ah ee duulaanka ku ah diinta islaamka in aan la aqbali karin ergo ama odayaal dhaqan howshaasna aysan waxba uga banaanay, Sh Shibli ayaa sheegay in xaqa oo la cadeeyo aan cidna looga baqi doonin  culimadan ay waajib ku tahay in ay xaqa cadeeyaan.

Hoos ka Dhagayso Khubadii Jimce ee Masjidka Al-hidaaya Sh Shibli

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/fbki5nhbzf/khudbadi.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

Yaasiin Cabdi Axmed
Nairobi,Kenya

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online