Dowllada Puntland oo shaqo joojin ku soo rogtay SNTV
August 18, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Warsaxaafadeed ka soo baxay maanta Xafiiska Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxaa shaqadii laga joojiyey warbaahinta DFS ee (Radio Muqdisho iyo Tv SNTV )kuwaas oo ka howlgali jiray Deegaanada Puntland. Wasaarada warfaafinta Puntland ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in ay baaritaan ku heyso warar lagu faafiyey warbaahinta DFS waloow aysan faahfaahin ka bixin.
Wareegtada lagu joojiyay shaqada warbaahinta DFS ayaa waxay u qorneyd sidan.
Ku Dhammaan Hawlwadeennada Somali NationalTV Rugahooda
Og: Wasaaradda Amniga iyo DDR Garowe
Og: Puntland Radio&Tv Garowe
Og: Madaxtooyada Dowladda Puntland Garowe
Ujeeddo: Shaqo ka joojin SNTV
Inta warar la helay laga salgaadhayo,SNTV waxa laga joojiyay howlgalkiisii uu ka hawlgalayay Puntland mudo 10-maalmood ah oo ka bilaabmaysa August 18-08-2013 Saacada 1:00 Duhurnimo.Sidaasi daraadeed,hawlwadeennada telefishinka SNTV waxa la farayaa in ay amarkaasi si buuxda u fuliyaan. Wasaaraddu waxay bilawday baaris ku saabsan arrimo la xariira Tv-gaasi,waxayna go’aankeeda dambe ku qaadan doontaa natiijada baaristaas.
Axmad Shiikh Jaamac Yuusuf
Wasiirka Warfaafinta Dowlada Puntland