Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray dalka Itoobiya
August 19, 2013 - Written by EditorAddis-Abba:-Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Itoobiya isagoo la filayo in uu wada hadlo uu la galo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isagan saaka gaaray magaalada Addis-Abba ee caasimada dalka Itoobiya.
Magaalada Addis-Abba ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxaa horay ugu sugnaa wufuud kala matalayey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland waxaa ay kulamo goon gooni ku qaateen Dalka Itoobiya iyadoo la sheegayo in aragtiyo badan la isku soo dhaweeyey.
Wasiiru dowllaha madaxtooyada Dowllada Federaalka Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir iyo wafdi la socda ayaa in mudo ah ku sugnaa dalka Itoobiya waxaan uu kulamo goono gooni ah la qaatay madax ka tirsan maamulka Jubbaland walow dhowr jeer la is fahmi waayey.
Shirarka u socda Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulka Jubbaland ayaa waxaa garwadeen ka ah dowlladaha ku bahoobay ururka IGAD walow aragtiyo kale duwan ay ka qabaan qaabka loo wajahayo arrinta maamul usamaynta Gobollada Jubooyinka iyo gobolada kale ee dalka.
Warar hordhac ah ayaa sheegay in shirkaan uu hadda yahay mid la doonayo in lagu hishiisiiyo Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulka Jubbaland waxaa shirka wada dowlladaha ay ciidankooda joogaan Soomaaliya iyo beesha caalamka.
A/cawaale
Halgan.net