Ciidanka Booliska Burco oo howl galo ku qabtay 4 dhalinyaro ah
August 21, 2013 - Written by EditorBurco:-Ciidanka Booliska ee magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay xalay ka fuliyeen magaalada howl galo waxaan ay qabteen ilaa 4 dhalinyaro ah oo ay uga shakisan yihiin in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Taliyaha booliska gobolka Togdheer, Gaashaanlle Axmed C/raxmaan Xassan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay ay ciidanka Boolisku iyo laamaha kale ee amaanku ay si wadayaan howlgalka ay ku sugayaan amaanka si looga foojignaado kooxaha nabad diidka ah ee doonaya in ay khalkhal geliyaan amaanka Gobolka Togdheer.
Taliyaha booliska gobolka Togdheer, Gaashaanle Axmed C/raxmaan Xassan ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan Soomaaliland guud ahaan gaar ahaan Gobolka Togdheer in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka si ay u suganaa amaanka Gobolka.
Gobolka Togdheer iyo qaybo ka mid ah Gobolka Sanaag ayaa ilaa intii ay ciidanka ururka Al-shabaab ka baxeen Gobolladii ay gacanta ku hayeen waxaa si firxad ah ku yimid dad fara badan oo qaarkood looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab
M_M_Deeq
Halgan.net