DFS oo sheegtay in la qabtay 3 ka mid ah raggii Muqdisho ku dhaawacay Ann-Margarethe
August 23, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qabteen koox burcad ah oo weerar ku dilay laba ruux oo Soomaali ah kuna dhaawacay magaalada Muqdisho Haweeney u dhalatay dalka Sweden. Afhayeenka Xukuumada Somaliya Ridwaan Xaaji Cabdi-Weli oo la hadalay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka amaanka ee DFS ay soo qabteen 3 ka mid ah kooxdii weerarka ku dhaawacay Ann-Margarethe labo kalena lagu raadjoogo.
Afhayeenka Xukuumada Somaliya Ridwaan Xaaji Cabdi-Weli ayaa sidoo kale sheegay in falka uu ahaa mid burcadnimo ah oo la rabay in lagu afduubo Ann-Margarethe.
Weerarka ayaa waxaa ku dhintay Abdirahman Hassan oo ka tirsanaa xisbiga bidxda ee dhalinyada dalka Sweden
A/Cawale
Halgan.net