Wada hadalo u dhexeeyey DFS iyo JubbaLand oo hakad ku yimid

August 24, 2013 - Written by Editor

3Adis Ababa:-Waxaa ka socda magaalada AdisAbaba ee xarunta dalka Itoobiya wadahadalo xasaasi ah kaas oo u dhexeeya maamul gobaleedka J/land iyo DFS waxaana ay marayaan wadahadalada meel xasaasi ah.Wada hadalada DFS iyo Dowladda goboleedka JubbaLand ayaa 19-kii bishan August 2013 waxaa uu ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya waxaana uu soo maray xaalado kala duwan:

Kulanka xalay ka dhacay magaalada Adis Ababa ayaa ahaa mid xasaasi ah waxaa goobjoog ka ah IGAD, Midowga Yurub, Midowga Africa, iyo Qaramada Midoobay dhanka DFS ayaa waxaa wafdiga hogaaminaya Faarax Sheekh Cabdulqaadir halka Maamulka J/land uu hogaaminayo Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe).

Wararka ugu danbeeeyey ee naga soo gaaray magaalada Adis Ababa ayaa sheegaya
In DF ay soo bandhigtay in Juba Land u aqoonsato maamul KMG mudo labo sanno gudoomiyana uu ka noqdo Ahmed Madoobe taas oo ay ka biyo diideen wafdiga ka socda J/land oo uu hogaaminayo Ahmed Madoobe .

Dhanka kale Maamulka J/land ayaa soo jeediyey qodobada kala ah

1. In DFS ay aqoonsato Dowlad Goboleedka Jubba Land.

2. In DFS ay goobjoog ka ahaato dhamaystirka Maamulka J/land .

3-. In Maamulka Gobaleedka Jubba Land uu Dowladda dhexe ka helo dhamaan xuqaaqaha uu siinaayo dastuurka DFS.

4- In DFS ay Maamulka gobaleedka Jubba Land ay ka hesho xuquuqaha uu dastuurku dalka u ogalaanayo.

Ilaa haatan ma jiraa cid ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Maamulka J/land oo hadashay shirka ka socda Addis Ababa iyo qodobada lagu heshiiyey marka laga reebo warar hoose oo ay saxaafadu heshay.

Wararkii ugu danbeeyey ee soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in DFS ay aad uga caga jiideyso in ay heshiis buuxa la gasho Maamulka J/land waloow uu cadaadis kaga imaanayo beesha Caalamka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online