Qof rayid ah oo xalay lagu dilay magaalada Hargeysa ee xarunta S/land.
August 24, 2013 - Written by EditorHargeysa:-Waxaa xalay fiidkii lagu dilay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland wiil dhalinyaro ah waxaana dilay nin afka soo duubtay oo aan heybtiisa la garan.
Sida dadweyne ka ag dhawaa goobta lagu dilay wiilka dhalinyarada ah ay sheegeen dhagarqabaha ayaa bistoolad madaxa kaga dhuftay wiilka dhalinyarada ah waxaana ay toogashadu ka dhacday xaafada Siinaay.
Ciidamad amaanka ee magaalada Hargeysa ayaa goobta soo gaaray waxaana ay xireen dhamaan wadooyinka iyaga oo baaritaano ku sameynayey gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa saaka waxay aad u hadal hayaan dilka xalay ka dhacay xaafada Siinaay iyaga oo ka cabsi qaba in magaalada Hargeysa loo soo xawilo dilalka qorsheysan oo ay geystaan kooxaha amniyaadka ee Al-Shabaab balse ilaa haatan lama oga cida ka danbeysa wiilka dhalinyarada ah ee xalay lagu dilay Hargeysa.
Cabdi Yare
Halgan.net