Madaxweynaha DFS oo la kulmay Taliska guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga
August 28, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta kormeeray taliska cusub ee qeybta 12ka Abril iyo Taliska guud Wasaaradda Gaashaandhiga. Madax weynaha oo la hadlayey ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay, kuna dhiirigeliyey dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxaha Nabad-diidka ah.
Madaxweynaha oo la dardaarmayey ciidanka ayaa yiri ” Shacabku waxey idinka sugayaan inaad badbaadisaan oo aad sharafkooda iyo karaamadooda illaalisaan. Waad ku ammaanantihiin dagaalka kooxaha nabad diidka, oo Shacabku waxey fursad u heleen inay guryahooda ku laabtaan. Hase yeeshee falalka kufsiga iyo isbaarooyinka waa amni-daro Qaran, oo ciddii lagu helo lala tiig san doono sharciga, lana marsiinayo ciqaabta ugu adag. Waxaan dhowaan dib-u-howlgelin doonaa Isbitaalkii Xooga si loo daryeelo caafimaadka ciidanka. ”
Madaxweynaha ayaa kormeerkan ugu kuur galayey xaaladda ciidanka, una sameynayo dhiirigelin lagu Dar-dar gelinayo sugidda amniga.Dowladda ayaa in muddo ah ku howlaneed dib u habeynta hay’adaha amniga ,tababaro la siiyey ciidanka oo tayadooda kor loogu qaadayo, si loo soo celiyo haybaddii iyo sharaftii ciidanka Soomaaliyeed.
—
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia