Ururka al-shabaab oo dilay Taliyihii ciidanka Xisbad ururkood ee degmada Walaweyn

August 31, 2013 - Written by Editor

voaJilib:-Waxaa maanta lagu dilay magaalada Jilib sarkaal horay uga tirsanaa Ururka al-shabaab laguna magacaabo  Axmed Garaad Cali ka dib markii ururkii uu ka tirsnaa ay ku eedeeyeen in uu dicaayad ka faafiyey ururka Al-shabaab kuna biiraya DFS. Sarkaalkaan lagu magacaabo Axmed Garaad Cali ayaa waxaa uu ahaa Taliyihii ciidanka Xisbad ee degmada Walaweyn ee ururka al-shabaab waxaan da’adiisa lagu sheegay 29 jir.

Sarkaalkaan ayaa waxaa ururka Al-shabaab ay sheegeen in ay ka soo qabteen xili uu doonayey in uu galo magaalada Kismaayo xarunta Gobolka Jubada Hoose . Dilka Sarkaalkaan ayaa waxaa ku soo beegmayaa xili masuuliyiin ka tirsnaa ururka Al-shabaab ay bilaabeen in ay la hadlaan saxaafada ama qoraalo ku faafiyaan baraha internetka  ilaa intii ay ururak Al-shabaab ay ku dileen degmad Baraawe Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan oo ka mid ahaa Masuuliyiinta ugu sareeyey ee ururka Al-shabaab.

Boqolaal dadweyne ah ayaa  u soo daawasho tegay goobta lagu dilayey Axmed Garaad Cali , sarkaal u hadlay  ciidanka Al-shabaab ayaa sheegay in  Axmed Garaad  Cali ay qabteen ciidanka Al-shabaab xili uu isku qarinayey gaari ay leeyihiin dad shacab ah oo marayey degmada Kabsuuma. Xukunka sarkaalkaan ka tirsanaa Al-shabaab ayaa waxaa meel fagaaro waxaa uga dhawaaqay gudoomiyaha  maxkamadda Jubbooyinka ee ururka Al-shabaab isagoo ku riday xukun dil ah.

Saraakiisha ka tirsan ururka Al-shabaab oo ilaa  hadda la hadlay saxaafada ama qoraalo soo dhigay baraha internetka ayaa waxaa ka mid ah  Abu Yasir Almuqdishi, Abu Ayaan , Zubeyr Muhaajiri,  Abu Yuusuf, , Abu Mansuur Al Amriki, Ibraahim Afgani , Shiikh Xassan Daahir Aweys.

ilaa hadda ma jiro wax  war ah oo ka soo baxay ilo ka madax banaan ururka Al-shabaab ama  eheladii sarkaalka ay dileen ururka Al-shabaab oo horay uga tirsnaa saraakiisha ciidanka Xisbada ee degmada Walaweyn. Halkaan ka eeg

A/cawaale
halgan.net

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online