Xaflad weyn oo ka dhacday Mac-hadka Ibnu Teymiya ee Degmada Carmo[Masawiro]

August 31, 2013 - Written by Editor

SAM_2141Carmo:-Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa  lagu qabtay Mac-hadka Ibnu Teymiya ee Degmada Carmo ayaa waxaa abaal marinno kala duwan lagu gudoon siiyey Ardaydii duruusta shareecada ku qaadatay 3dii bilood ee xagaaga , isla markaasna kaalimaha hore ka galay imtixaankii la qaaday. Xafladda ayaa waxaa ka soo qayb galay Bulshada reer Carmo qaybeheeda kala duwan sida Maamulka Degmada, odayaal, Ganacsato, aqoon yahan, haweenka iyo ardayda Machadka Ibnu Teymiyaha oo iyaga xafladda loo qabanayey.

Ugu horay waxaa halkaas ka hadlay Maamulaha Machadka Ustaad: Cabaas Maxamed Khaliif oo ka warbixiyey marxaladihii wax barasho ee uu machadku soo maray iyo qorshaha sannadka cusub ee hadda bilawga ah isagoona sheegay inay ka go,antahay sidii uu Machadkani tusaale fiican ugu noqon lahaa Deegaanka ku xeeran ,isla markaasna ay xooga saarayaan siddii loo soo saarilahaa Arday aqoon fiican u leh Shareecada Islaamka.

no images were found

Sidoo kale waxaa Xafladda ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Carmo Eng. Ibraahim Shire Maxamed isagoo tilmaamay sidda Machadka Ibnu Teymiya wax ku ool ugu yahay Degmada Carmo wuxuuna yiri(“waxaa loo baahan yahay in aynu yar iyo weynba ka faa,iidaysanno  Machadkan shareecada islaamka si aynu diinteena aqoon fiican ugu yeelanno”) wuxuu kale oo Guddoomiyuhu usoo jeediyey dadweynihii xafladda ka soo qayb galay in dhalin yarada laga wacyigeliyo Tahriita iyo dhibaatada ku sugan, taas bedelkeedana la jeclaysiiyo  dhalinta dhulkoda hooyo in ay wax ku bartaan kana shaqaystaan.

Dhammaan dadkii xafladda ka hadlay ayaa bogaadiyey Machadka iyo shaqada uu hayo iyadoo siweyna  loogu mahad celiyey dadkii iyagu aasaasay Machadkan Shareecada islaamka ee Ibnu Teymiya oo ah Machad dhowaan laga hirgeliyey Degmada Carmo.

Ugu dambayn waxaa abaal marin heer sare ah lagu doon siiyey 11 arday oo isugu jira wiil iyo gabdho kuwaaso noqday ardaydii ugu deraja saraysay imtixaankii laga qaaday ardayda Machadka. Si kastaba ha ahaatee ardaydan ayaa wajigooda waxaa laga dheehan karay farxad iyo ray-rayn ku aaddan wax barashadooda iyo abaal marinaha lagudoon siiyey. Isku soo wadaduuboo xaflada ayaa waxay kusoo gaba-gabowday jawi aad u degan.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online