Madaxweynaha DFS oo gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud
April 8, 2015 - Written by EditorDhuusamareeb:-Madaxweynaha DFS Xassan Sh. Maxamuud ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud waxaan halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan maamulka gobalka Gal-gaduud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Diyaarada uu la socday Madaxweynaha DFS ayaa caga dhigatay haatan garoonka Diyaaradaha ee Degmada Dhuusa Mareeb waxaana si weyn loo adkeeyey amaanka Degmada Dhuusa Mareeb .Shacabka ku dhaqan Degmada Dhuusamareeb oo ay horkacayaan masuuliin ka tirsan gobalka Gal- gaduud oo u horeeyo Cirfo gudoomiyaha gobalka Galgaduud ayaa ku soo dhaweeyey madaxweynaha Garoonka Diyaaraha ee Dhuusamareeb .
Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa waxaa uu maalinta beri ah soo xiri doonaa shir dib u heshiisiin ah oo in mudo ah ka socda Degmada Dhuusa Mareeb.
A/Cawale
Halgan.net