Xaflad sagootin ah oo loo qabtay Ardayda fasalka 8aad Dugsiga Boxaaro ee Sheerbi (Masawiro)
April 12, 2015 - Written by EditorQardho:-Xafladan oo ay soo agaasimeen ardada fasalka 8aad ee dugsiga Boxaaro ee Sheerbi ayaa waxaa kasoo qaybgalay mid kamid ah xildhibaanada dowlada Puntland gudoomiyaha waxbarashada gobolka karkaar maamulka sheerbi, odayaal, waalidiin, baahda caafimaadka maamulka macalimiinta iyo ardada school ka.
Maamulaha dugsiga sheerbi C.raxmaan Aaxmed Maxamuud oo ugu horayn xaflada ka hadlay ayaa sheegay in dugsiga Booxaaro uu ka koobanyahay Dugsi Hoose Dhexe iyo sare waxaa dhigta arday tiradooda ay gaaraysao 319 arday oo kala 178 wiil iyo 141 gabdhood, tirada sanad dugsiyeedkan ka gudbi doonto fasalka 8aad ayaa ah 24 arday 12 wiil iyo 12 gabdhood, maamulaha ayaa sheegay in dugsigan tirada ardada gabdhaha iyo wiilasha ay yihiin kuwa aad isugu dhow.
Gudoomiyaha waxbarashada gobolka karkaar Bashiir Amxed Galari oo kamid ahaa marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada ayaa ardada kula dardaarmay inay ahaadaan arday wanaagsan oo dhaqan iyo diin intaba leh sidoo kalena ay dadaalkooda labajibbaaraan natiijo fiicana ay ka keenan imtixaanka kama dambaysta ee sanad dugsiyeedka 2014-2015 oo bilaaban doono bisha shanaad shanteeda gudoomiyaha ayaana balan qaaday inuu gaarsiindoono horumarka ka socda sheerbi dhanka waxbarashada dhamaan hay’adaha ay khusayso arintaas iyo wasaarada waxbarashada dowlada Puntland.
Xildhibaan C.rashiid Siciid Maxamed oo kamid ah xildhibaanada dowlada Puntland kana mid ah xildhibaanada kasoo jeeda deegaanka ayaa sheegay in sheerbi baahiyaheeda ugu waawayn ay yihiin Ceel Biyood iyo Dugsi sare, dhismihii dugsiga sarana la bilaabay howshii ceel biyoodkana ay socoto.
no images were found
Qaar kamid ah ardada dugsiga oo halkaa ka hadashay ayaa u mahadceliyay dhamaan marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada waxayna baaq u direen jaaliyada reer sheerbi, wasaarada waxbarashada dowlada Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah inay kala qaybqaataan dhismaha dugsiga sare ee sheerbi oo hada dhismihiisa uu bilowday.
Gabagabadii xaflada ayaa waxaa shahaado sharaf lagudoonsiiya qaar kamid ah baahda waaxbarashada sheerbi waxaana sidoo kale la booqday halka uu ka socdo dhismaha dugsiga sare ee sheerbi waxaana loogu baaqay dhamaan qurba joogta reer sheerbi inay ka qaybqaataan horumarka deegaanka.
Halgan.net
Qardho