Shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe oo lagu wado in uu maanta ka furmo Cadaado.
April 15, 2015 - Written by EditorCadaado:-Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in lagu wado in uu maanta halkaas ka furmo Shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe waxaa ay kulamo kala duwan haatan u socdaan ergada ku sugan Cadaado iyo Madaxweynaha DFS.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kulamo gooni gooni ah la leh saaka Siyaasiinta iyo Odayaasha dhaqanka ee gobalada dhexe ee ku sugan magaalada Cadaado ilaa haatan ma jiraan wax ka soo baxay oo warbaahinta laga baahiyey.
Amaanka magaalada Cadaado Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana degmada ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah kuwa DFS iyo ciidamo daacad u ah Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb kuwaas oo magaalada meel walba ku sugan.
Warar hordhac ah ayaa sheegay in Shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe uu furi doono Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS oo haatan ku sugan Degmada Cadaado.
Wariye madax banaan oo ku sugan Cadaado ayaa sheegay in maanta la sugay wufuud ka imaaneysa Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobalka Galgaduud uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo balse waxaa jira khilaaf yar oo u dhexeeya Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo wafdiga Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud kaas oo haatan lagu jiro xalintiisa.
Wixii warar ah ee ka soo kordha magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb kala soco Halgan.net
A/Cawale
Halgan.net