Roobaba Lixaad Leh oo ka da’ay Laascaanood iyo Degaano ka tirsan Gobolka Sool.[Masawiro]
April 15, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Iyadoo todobaadadii u danbeeyey la saadaalinayey inay bilowdaan Roobabkii Gu’ga ay bishaan Abril ee aynu ku jirno waxaa saaka subaxnimadi hore ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ka da’ay Roobab Mihigaan si wayn ah ugu biya dhigay deegaano ka tirsan gobolka Sool .
Roobkan ayaa ahaa mid ay si weyn ugu diirsadeen shacab weynaha ku dhaqan gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascanood ayaa noqonaya mid yareeya kulaylkii faraha badnaa ee maalmahaan magaalada ka jiray .
Roobkan oo ka da’ayey saacadihii hore ee saaka ayaan dhalin wax khasaare ah , oo naf iyo maalba leh , Abaaro 4:30 subaxnimo waxaa lagu arkayey hawada sare ee Laascaanood daruuro muujinaya saan saan roobaad , salaadii subax ka dib ayuu bilowday roobka shuux shuux ah , waxaana uu saacad ka dib isku bedeley roob mahiigaan ah .
Geesta kale dadweynah ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa si weyn u soo dhaweeyey roobabkan lixaadka leh ee Alle Sw ku ku qaboojiyay maanta . iyagoo sheegay in maalmihii tegay ay aad la ildarnaayeen kulaylka aan la xamili karin ee fallaadhaha qoraxda ka imaanaya .
Ugu danbayntii waxaa roobani uu noqon donaa mid bulshada iyo noolah deegaanada Alle uu u qadaray ka haqab tira baahidii biyaha oo ah nolosha iyo jiritaanka noolaha oo idil. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanay Xudun iyo deegaano hoostaga gobolka Cayn sida Buuhoodle.
no images were found
En Mawliidd Isma Haradigeed
Xafiiska Wararka Halgan