Bus ay la socdeen qaar ka mid ah shaqaalaha QM oo lagu qarxiyey Garoowe (Masawiro)
April 20, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in goor dhow qarax lala beegsaday gaari bus ah oo ay la socdeen qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta Qaramada Midoobey ee Garowe.
Qaraxa ayaa horey loogu sii xiray gaari bus ah ay lagu qaado shaqaalaha xarunta Qaramada Midoobey ee ka howl gala magaalada Garowe wuxuuna qaraxa ku dhintay 8 qof oo 3 ka mid ah yihiin Soomaali qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxida rugsan.
Ciidamada Amaanka ee magaalada Garoowe ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyaga oo xiray wadooyinka .Dadka ku dhaawcmay qaraxa ayaa waxaa loo qaaday Isbiraalka magaalada Garoowe.
no images were found
Wararkii ugu danbeeyey oo ay heshay Halgan net ayaa sheegaya in buska ay la socdeen qaar kamid ah shaqaalaha xarunta Qaramada Midoobey uu isku dhex qarxiyey mid ka mid ah shaqaalaha waxaan taas xoojinaya in gaariga uu qaraxu saameeyey saqafka kore ee buska .
Qaraxan ayaa ah kii ugu horreeyey noociisa oo ka dhaca magaalada Garowe wixii faahfaahin ah kala soco Halgan.net
M_M Deeq
Halgan.net