Dhalinyarada iyo Dowrkooda W/Q Sh C/baasid Sh.Ibraahim

January 4, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Waa maqaal diini ah oo ka waramay Dhalinyarada iyo Dowrkooda waxaan qoray Sh. C/baasid Sh.Ibraahim, Shiikh C/baasid Sh Ibraahim ayaa waxaa maqaalka uu ku iftiimiyey dowrka weyn ee ay dhalinyarado ku dhex leeyihiin bulshada maqaalka Shiikh ayaa waxaa uu u qornaa sida tan:-

Dhalinyarada iyo Dowrkooda W/Q Sh C/baasid Sh.Ibraahim

الحمد لله رب العالمين،والصلاة والسلام على من لا نبي بعده Dhalinyaradu waa xooga iyo mustaqbalka Ummad walba , sidaas darteed waxay ula dhaqantaa hadba inta mujtamacaasi uu dareensanyahay dowrka iyo hawsha dhalinyarada sugaysa si ay uga qeyb qaataan horumarka iyo waxtarka Diintooda ,Dad kooda iyo Dalkooda .

Haddii aan gadaal u fiirino habdhaqankii Nebigeena Muxammed (saw) ee uu kula dhaqmayey Dhalinyarada , waxaan helaynaa inuu siin jirey muhimad aad u weyn inuu tusaaleeyo , dhiiri geliyo , oo xil iyo masuuliyadna u dhiibo , taasina waxay keen tey inay Islaamka iyo Muslimiinta u soo hooyaan guulo aad u farabadan .

Uma jeedo inaan heli karno dhalinyaro la mid ah kuwaas aan soo sheegney , waxaanse is leeyahay in habdhaqan kaas qiimaha badan lagu daydo oo lagu dhawaado si miro qiimo badan loo helo . Markaad fiiriso Quraanka kariimka ah waxaad helaysaa inuu si aad u qurux badan uga sheekeeyey Dhalinyarada Ahl kahf uuna yiri ﴿ إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ آمَنُوا بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَاهُمْ هُدًى ﴾ ( waa dhalinyaro rumeeyey Rabigooda , waxaan u kordhiney Hannuun ).

Nebigeena (saw) wuxuu dhalinyarada ku baraarujiyey in Qofkii awooda uu guursadao , wuxuu ku yiri Cabdulaahi bin Cabaas ( xifdi oo ilaali Allaah , asaguna Ha ku ilaaliyee) , wuxuu u sheegey Mucaad ibnu Jabal inuu jecelyahay , wuxuu u sheegey C/laahi inbu Cumar inuu yahay qof fiican haduu salaatu laylka tukan lahaa , wuxuu amrey Zayd bin Thaabit inuu barto luqada Siryaaniyiinta , Dhalinyaradii uu la socday Maalik bin Huwey rith markey labaatan maalmood Nebiga (saw) la joogeen oo uu siiyey koorso deg deg ah , dareemeyna iney reerkoodi u xiiseen , wuxuu amrey iney noqdaan dadkoodana ay baraan waxay faa’ideysteen .

Wuxuu Suubane (saw) u magacaabey Amre bin Xazmi gudoomiye Najraan asagoo Todoba iyo tobon sano jir ah , wuxuu Ali bin Abii dhaalib iyo Mucaad u direy Yemen iyagoo dhalinyaro ah si ay Diinta dadka u baraan , wuxuu si wanaagsan u daweeyey una tusaaleeyey wiilki ka codsadey in Zinada loo ogolaado.

Haddaba intaan iyo wax ka badan oo Nabigeena (saw) uu ula dhaqmey dhalinyarada waxaan ka qaadan karnaa arimaha soo socda , si loo dardargeliyo doorka ay dhalinyada ku leeyihiin Bulshada dhexdeeda :-

– In la dhiiri geliyo oo la amaano kan wadada wanaagsan ku taagan .
– In la tusaaleeyo kan wax qaban kara oo meel fiican gaari kara laakiin hilmaansan .
– In xil iyo mas’uuliyad loo dhiibo kan ka soo bixi kara, si uu Tusaale fiican ugu noqdo kuwa kale.
– In laga qeyb galiyo talada iyo go’aamada ay Bulshadu ay qaadaneyso .
– In si wanaagsan loola dhaqmo lana soo dhaweeyo kuwa khaldan ama wadada xun ku socda.
– In lagu hadlo qaabka iyo habka ay u fikirayaan .
– Inaan lagu qasbin waxaaney wax ka keeni karin oo markaa keeni karta iney fashil ay u dambeeyaan .

Waxaan filayaa in loo noqdo Siirada Nebigeena (saw) iyo taariikhda Islaamka iyo Habdhaqankii Culimadii Islaamka laguna shaqeeyo iney ku filan tahay in dhalinyarada door kooda uu muuqdo .

W/Q Sh.C/baasid Sh.Ibraahim
28/12/2013 م

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online