Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Dhuubane oo la xiray

November 26, 2014 - Written by Editor

dhuubaneGaroowe:-Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane) ayaa waxaa xabsiga u taxaabay ciidanka nabadsugid ee Puntand ka dib markii uu shalay la hadlay qaar ka md ah saxaafadda Soomaaliyeed uuna sheegay warar lid iyo gaf ku ah Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyo maamulkiisa.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Dhuubane ayaa waxaa laamaha amaanku ay ku eedeeyeen in uu saxaafada mariyey warar abuuri kara amni daro lidna ku ah jirtaanka Puntland sharaf dhacna ku ah hogaanka cusub ee Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in ciidanka amnigu ay xireen Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane) Xalay ka dib markii uu ku xadgudbay madaxda Puntland kuna hadlay hadalo wax u dhimay Nabadgelayad keeni karana iska horkeen.

Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane) ayaa waxaa uu horay u soo noqday Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug waxaan uu maalmihii u danbeeyey uu ku sugnaa magaaada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Maalmaha soo socday ayaa la filayaa in Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane) la soo taago Maxkamad si loogu soo oogo danbiga loo haysto amaba loogu waayo Eedaynta loo soo jeediyey

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online