136 Arday oo ka qalinjabiyay Markaska Khadiija Bintu Khuweyla ee Magaalada Laascaanood.(Daawo)
August 6, 2012 - Written byLaascaanood:-Aradaddan qalinjabisay Oo tiradoodu oo ahayd 136″araday ee xaflada Loo sameeyay aradan ka baxaysa Markaska dacwada iyo hanuunita ee khadiija binti khuwayla” ayaa waxa ay tahay Difcadii lixaad ee kabaxda markaskan.
Markasakan oo la aas aasay 2006. Aradadda haatan dhiagataa oo Tiradoodu Tahay 1226″araday waxa uuna mrkaskani ka kooban yahay laamo kaladuwan,Oo lagu Soo saaro ardadda Cusub ee bilaabaysa Barashada Diinta. Xafaladaas ayaa waxa ka sooqaybgalay waalidiin maamulka marakasaka Culimada G\sool ugu horayn waxa halkaas lagu furay aayadaha quraamka kariimka Oo uu akhrityay araday kamida aradadda kabaxaday,Markaska waxaa siwayn ay ula qushuuceen Kaqayb galyaashii ayaadkii uu akhriyay ardaygaasi.
Waxaa isna halakaas kahadalaya maamulaha markaska dacwada iyo hanuunita ee khadiija binti khuwayla Sh Xuseen Maciln Ibraahim Maxamed Oo ka hadalay markaska iyo aradadda dhigata waxa uuna halakaas ka sheegay maamuluhu in macadka ay hadad higtaan ardo farabadan uu siiyo markasku barashada diinta islaamka iyo sunada Toosan ee rasuulka NNKH.
no images were found
Maamulka Markazka Khadiija Binti khuwayla ayaa ka hadlay Fidinta Cilmiga sharciga ah’iyo ladagaalanka aqoon la’aanta iyo ahmiyada Soo saarida Daaci ama Daaciyad Xanbaarsan Kitaabka ilaahay iyo sunada nenbiga NNKH Ladagaalanka iyo khuraafaadka iyo fahanka qaldan iyo shacabka Oo toos loogu xidho Allaah.
Sidoo kale mamaualaha ayaa waxa uu halkaas ka sheegay caqabadaha waxayaalaha uu u baahanyahay markaska dacwada iyo hanuunita ee khadiija binti khuwayla ee magaalada laascaanood. waxa uu mamaulku Codsaday in macahdaka ay taageeraan walaahah muxsiniinta ah ee hore u dhisay macadka waxa uu hada ubaahan yahay qalabka kuraas.miisas.computaro dhamaan adeeg yadii goob waxbarasho baanu u baahanahay in lagacaawiyo markaska ayuu yidhi maamuluhu.
Waxaa isna halakaas kahadalay Macalin Jaamac Yaasiin Warsame Oo ku dheeraday qiiamah waxabarsahad iyo aradaddan ay wax soobarteen waxa uuna macalin ku sigaara ugu guubaabiyey barashada cilmiga Sharciga wuxuuna yidhi waxa aad haysataan fursad aan hablihii hore haysan maanta waxa aad waxubaranaysaan sida wiilashu wax ubartaan markaa waxa aan halkan oga mahad celinaynaa dadkii dadaalka ku bixiyay inaad halkan maanta soogaadhaan,
Aradadda ayaa waxa ay halkaas ku soo bandhigeen waxayaabihii ay soo qaateen Gabayo kitaab ay halkaas ka akhriyeen waxana aradaddu soo bandhigeen cilmi aad u qiimo badan iyo qiimaha ay waxabarashadu leedahay waxa ayna soojiidatay dhamaan ka qayb galayaashii madashaas fadhiyay ardaddaas Cilmigooda.
Gabagabii waxaa halkaas kahadlay Sheekh Maxamuud Xaliike wuxuuna ka hadlay waxyaabo farabadan oo dhanka aradadda iyo waalidiinta ah waxa uuna sheekhu ladardaarmay ardadda Oo uu yidhi waa inaad u baarinimo Samaysaan waalidkiin waayo waalidka Oo loobaari noqdaa waxa aad wanaag ka helaysaa ilaah aduunka iyo aakhirona waxa aad ku noolaanysaa Cisi iyo sharaf.ardaddana waxa aan leeyahay buuyidhi sheekhu waxa aad haysaan furayaashii waxbarashada markaa ku dadaalad barshada Diinta islaamka iyo Kor u qaadisteeda.
Halgan.net
Somali channel
Laascaanood