Ciidamo gaaraya 600 oo ka tirsan DFKM oo tababar loogu soo xiray xerada Jazeera
August 14, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa maanta tababar loogu soo xiray xerada Jazeera ee magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan DFKM kuwaas oo gaaraya 600 askari waxayna tababarka ku soo qaateen dalka Ugandha waxaana xaflada xiritaanka ka soo soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan DFKM.
Ciidamada maanta loo soo xiray tababarka ayaa waxay soo bandhigeen dhoolatus kala duwan waxaana hadal kooban u jeediyey Taliyaha ciidamada xooga DFKM Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini wuxuuna ku booriyey in ay ka qeyb qaataan una diyaargaroobaan difaaca dalka.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ee DFKM Xuseen Carab Ciise ayaa lagu soo dhaweeyey cod baahiyaha waxuuna ugu baaqay ciidanka maanta loo soo xiray tababarka in ay noqdaan ciidan qaran .
Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa Khaliif Ciise Mudan oo ah wasiirka amniga Maamulka Puntland wuxuuna ka codsaday ciidanka kuwo daacad u ah dalka iyo dadka.
A/Cawale
Halgan.net