Dastuurka DFKM oo lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah
August 1, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa saaka magaalada Muqdisho lagu ansixyay Dastuurka ay yeelan doonto DFKM iyadoo goobta ay ka socotay ansixinta ay ku sugnaayeen ergo gaaraysa ilaa 645 markii la guda galay cod bixinta ayaa ergo gaaraysa ilaa 621 ay ku ansixiyeen Haa iyagoo ku ansixi yey gacan taag 13 ka mid ah ergada ayaa ku codeeyey MAYA waxaana ka muusay 11 ka mid ah ergada.
Qaabka ay u dhacday codaynta iyo natiijada ayaa waxaa ku dhawaaqay Prof. Xuseen Warsame iyo Nimco Axmed oo markii ay ku dhawaaqeen natiijada ah in dastuurka cod aqlabiyada ah lagu ansixiyey ay ergadii ansixinaysay dastuurka DFKM ay sacab iyo eragyo ay ku muujinayaan taageerida Dastuurka la ansixiyey ay ku dhawaaqayeen.
Goobta ay ka dhacaysa ansixinta Dastuurka DFKM ayaa waxaa ku sugnaa Raiisul wasaaraha DFKM Prof C/ Weli Maxamed Gaas,Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo madax kale oo fara badan , ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa amaanka xarunta School Pulisia aad u sugaayey.
Raiisul wasaaraha DFKM Dr. C/wali Maxamed Cali oo khudbad ka jeediyay xaflada ansixinta Dastuurka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu ka baxay ku meel gaarnimada uuna yeeshay Dastuur iyo dowllada isagoo ugu baaqay shacabka iyo bulshada soomaaliyeed in ay ka fogaadaan kooxaha burcadbadeedka iyo wax loo yaqaan argagixisada ,Ra’iisul wasaraaha DFKM Prof Gaas ayaa xusay in ergda ansixisay Dastuurka ay mudan yihiin in la gudoonsiiyo shaahdo sharaf.
A/cawaale
Halgan.net