Diyaarado dagaal oo laga lahaa dalka Uganda oo burburkoodii laga hellay Dalka Kenya
August 14, 2012 - Written byNairobi:-Waxaa maanta mar kale ay saraakiil ka tirsam ciidanka dalka Kenya ay saxaafada u sheegeen in la helay labo diyaaradood oo la waayey maalintii Axad iyagoo diyaaradahaas dagaalka laga lahaa dalka Ugandha u jeedadooduna ay ahayd in ay weeraro dhinac cirka ah ku qaadaan magaalada xeebta ah ee Kismaayo iyo degaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose oo ay weli gacanta ku ahayaan ururka Al-shabaab.
Diyaaradaan ayaa waxaa ay maalintii Axad ka soo duuleen Garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee dalka Ugandha waxaan ay doonayeen in xoojiyaan ciidanka AMISOM ee ku sugan Koonfurta dalka Soomaaliya.
Sarkaal u hadlay ciidanka Kenya ayaa xusay in diyaaradaha la helay iyagoo gubtay wallow warar is khilaafsan ka soo baxayaan in ciidankii saarnaa in la badbaadiyey iyo in ay dhinteen dhamaantood.
Afhayeenka Ciidanka dalka Kenya Bogta Ongeri ayaa saxaafada u sheegay in la helay burburka diyaaradaha , isagoo sheegay in burburka diyaaradahaan laga helay buuraha la yiraahdo Mount Kenya .
Ilaa shalay ayaa saxaafada dalka Kenya iyo Uganda waxaa ay qoreen in la hellay diyaaradaha iyagoo aan sheegin in diyaaraduhu burbureen iyo in kale , warar hordhac oo soo baxay ayaa sheegay in ilaa 8 askari oo saarnaa mid ka mid ah diyaaradaha burburay la soo badbaadiyey loona duuliyey isbitaal Milateri oo ay leeyihiin ciidanka dalka Kenya.
Diyaaradaha ayaa ahaa ilaa 4 diyaaradood sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Milatareiga dalka Ugandha ilaa hadda lama shaacin sababaha ay u burbureen.
Wixii war ah oo ku soo kordha diyaaradaha la hellay dib ayaan idinkaga soo tabin doonaa
A/cawaale
Halgan.net