Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed oo gaaray Degmada Balcad(Masawiro)
August 1, 2012 - Written byBalcad:-War haatan naga soo gaaray Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed uu maanta gaaray Degmada Balcad halkaas oo lagu soo dhaweeyey .
Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa waxaa galbinayey ciidamo ka tirsan DFKM iyo kuwa AMISOM waxaana socdaalkiisa ku weheliyey Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan DFKM socdaalka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo cabashooyin ka yimid dadka ku dhaqan Degmada Balcad ka dib markii dhac ay u geysteen ciidamada DFKM.
Madaxweynaha DFKM ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay waxgaradka deegaanka Degmada Balcad waxaana uu kala hadlay xaaladda guud ee degmada iyo weliba sugida amaanka wuxuuna balan qaaday in wax laga qaban doono cabashooyinkooda.
no images were found
Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa intaas ka dib kormeer ku tagay jiido hore oo ay difaaca uga jiraan ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM
A/Cawale
Halgan.net