Madaxweynaha DFS oo eedeyn u jeediyey gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka
August 24, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxwaynaha DFS Shariif Sheekh Ahmed ayaa shalay eedeyn kulul u soo jeediyey gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka mar uu shalay kulan la yeeshay odayaasha Dhaqanka Soomaliyeed .
Shariif Sheikh Axmed Madaxweynaha DFS ayaa si kulul u weeraray gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka DFS waxaana uu ku eedeyay in ay ka soo horjeedaan nabada ayna abuurayaan dhibaato hor leh iyaga oo iska horkeenaya ayuu yiri umada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in aqoonyahanada haatan madaxda u ah gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka in ay ka daran yihiin hogaamiye kooxeedyadii dalka Soomaaliya soo maray wuxuuna sheegay in talada loo dhiibay ay afduubeen.
Madaxweynaha DFS Shariif Sheekh Ahmed ayaa sidoo kale ku eedeeyey gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka in ay si qaldan u maamuleen soo xulista xubnaha Baarlamaanka DFS
Gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka iyo Madaxweynaha DFS Shariif Sheekh Ahmed ayaa khilaafkooda wuxuu gaaray meeshii ugu sareysay ka dib markii gudiga ay dib u cesheen xildhibaano aad ugu dhawaa Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed.
A/Cawale
Halgan.net