Madaxweynaha Puntlland iyo Raiisul wasaare Gaas oo ka soo duulay Garoowe kuna sii jeeda Nairobi
August 3, 2012 - Written byMadaxweynaha dowladd Puntland Dr.C/raxmaan Faroole iyo wafdi kale oo uu hogaaminayo Ra’iisul wasaarha dowllada Federaalka Soomaaliay Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan ka soo duulay magaalada Garoowe ee caasimada Puntlland, Wafdiga Raiisul wasaaraha dowllada Federalka Soomaali ya ayaa saaka si lama filaan ah u tegay Garoowe iyagoo kulan gaar ah la qaatay Madaxda Puntlland ka dibna ka soo wada ambabaxay magaalada Garoowe iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa socdaalkiisa waxaa ku weheliya xubno ka tirsan Golahiisa wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntlland, Madaxweynaha Puntlland ayaa waxaa uu casumaad rasmi ah ka hellay Safaarada dalka Maraykan ee Kenya waxaan la filayaa in uu ka qayb geli doono kulan ay madaxda Soomaalida ay la yeelan doonaa xoghayha arrimaha dibada ee dalka Maraykanka Hillary Cilinton oo kulan la qaadan doonta saxiixayaashii Roadmapka.
no images were found
Maalinta beri ah ayaa la filayaa in xoghayha arrimaha dibada ee dalka Maraykanka Hillary Cilinton ay kulan gaar ah ay la qadan doonto saxiixa yaashii Roadmapka iyadoo kali hadli doonto wax ka qabsoomay hsihiiyadii lagu asteeyey Roadmapka ee ka dhacay Garoowe 1, Garoowe 2, shirkii Muqdisho , is afgaradkii ka dhacay magaalda Gaalkacyo , shirarkii kale duwanaa ee ka dhacay magaalada Nairobi,Uganda iyo Addis Abba.
Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa shalay soo gaaray Madaxweynaha dowllada Federalka Soomaliya Sh Shariif Sh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan iyagoo qayb ka ah kulanka maalinta beri ah ay xoghayha arrimaha dibada ee dalka Maraykan ka Hillary Cilinton la yeelan doono Madaxda Soomaalida.
M_M_Deeq
Halgan.net