Baarlamaanka Cusub ee DFS oo la filayo in ay maanta ku kulmaan Muqdisho
August 21, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa si xawli ah uga socda magaalada Muqdisho Qaban qaabada kulanka baarlamaanka cusub ee DFS waxaa uu ka socdaa xarunta gaadiidka Booliiska halkaasi oo uu ka dhici doono kulankii kowaad oo ay yeelanayaan xildhibaanada DFS kuwaas oo xalay la dhaariyey.
Ajandaha kulanka ugu horeeye oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa waxaa uu yahay uruurinta araajida musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa.
Waxaa kale oo kulanka maanta lagu magacaabi doonaa guddiga doorashada kuwaas oo ka shaqeyn doona doorashada Gudoomiya Baarlamaanka DFS iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa aad loo adkeeyey amaanka xarunta gaadiidka Booliiska ee Soomaaliya halkaas oo ay ku sii qulqulayaan xubnaha Baarlamaanka DFS waxaana shir gudoomin doona Gudoomiyaha ku meel gaarka ee Baarlamaanka Jen. Muuse Sheekh Xassan Cabdulle
A/Cawale
Halgan.net