Qowsaar wadaniyaa karoon qaarad kale jooge. Abwaan Cabdiraxmaan Shaacir (Dhageyso)
August 14, 2012 - Written byMinneapolis:-Waa Gabay uu hal abuurkiisu ku farayaraystay, kuna gadaaman suugaan sarbeeb hub looga dhigay, maah maana galbin looga dhigay, qisooyina lagu qalabeeyey, gabaygaan wuxuu gacma gacmeeyey meelo farabadan, wuxuuna curiyuhu cabirayaa in ummadiisii ka daashay balaayada 20 jirsatay, adaanaha casrigan noola uu qalinka ku dagaalamo kuna kala adkaado, gabyaagu wuxuu lahadlayaa ummada Soomaali yeed qayba heeda kala duwan isagoo leh, colaad waan tijaabinay, caga gubyadeediina waan haynaa ee nabad matijaabinaa si mar’uun ehelka kala abaadday kala erdhoobay ay uwada qax weeyaan, qofkastana uu haasaawa saamigiisa ka qaato 20 sano ee caguhu ummada u koreeyeen wixii uu la kulmay iyo intuu qaarado ka dhacay.
” Qowsaar wadaniyaa karoon qaarad kale jooge ” *hadaladaas waa qayb gabayga ka mid ah. Gabyaagu waa tiriyey Abwaan Cabdiraxmaan Shaacir oo ka mida Gabyaasha da’ada yar ee Soomaaliyeed, markaadse gabaygiisa dhuuxdo, wuxuu ka haray odayaashii hore ee ruug cadaaga ahaa ayaad is oranaysaa. Gabayga C/raxmaan Shaacir dadbadan mafahmaan maadaama Sarbeebta iyo is barbardhigida qisooyin horay u dhacay iyo kuwa haatan taagan ay u tahay nooca uu gabayga u tiriyo, nasiib wanaagse C/raxmaan Shaacir isagaa gabaygan hordhac usameeyey. kana hadlay sababta ku kaliftay. Waxaanse hubaa hadaad tahay Soomaali xiligan nool, kuna cel celiso dhowr goor in aad nuxurka la bixi. Maah maah horaa ahayd “Dhayda dhan xoorku isagaa kuusoo dhici” Gabygaan Cabdi raxmaan Shaacir wuxuu ku tiriyey Minneapolis 01/10/2012.
Hoos ka Dhagayso gabaygii Abwaan Sh Cabdiraxmaan Shaacir.
[audio:http://www.somalitalkradio.com/cod/gabay/qabyo_kuma_ebyoontee_shaacir.mp3]Halgan.net
Somalitalk