Sh Xassan Daahir Aweys oo boqolaal dadweyne ah kula hadlay magaalada Baraawe
August 19, 2012 - Written byBaraawe:-Waxaa maant si weyn looga ciiday Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo dadweyne aad u fara badan ay iskugu soo baxeen goob fagaaro ah oo ay u cayimeen masuuliyiinta ururka Al-shabaab, Masuuliyiinta maanta dadweynaha la hadlay waxaa ka mid ahaa Sheekh Xassan Daahir Aweys.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa boqolaalkii dadweynaha ahaa ee kala soo qayb galay salaada ciida waxaa uu ugu baaqay in ay kaalmeeyaan dadka masaakiinta ah iyo in ay dagaalka kala qayb qaataan si dalka looga badbaadiyey cadowga ku soo duulay ee uu ula jeeday Ciidanka AMISOM ,Kenya iyo Itoobiya.
Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa ku celcedliyey in ay tahay waajib in laga hortago cadowga alle oo iyagu doonaya buu yiri in dalka iyo dadkuba ay qabsadaan, Sheekh Xassan ayaa codsigaas ka dib ee uu u jeediyey dadweynaha waxaa uu sheegay in ururka Al-shabaab aysan dagaalka joojin dooni ilaa Shareecada Islaamka lagu dhaqo dalka oo dhan hadalad Sheekh Xassan Daahir iyo masuuliyiinta kale ayaan dib idinkaga faahfaahin doonaa haddii alle idmo.
Magaalooyinka kale ee sida weyn looga ciiday ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka , Marka , Buula-barde ee gobolka Hiiraan oo ay gacan ta ku hayaan ururka Al-shabaab ,masuuliyiin kale duwan ayaa dad wey na ha la hadlay dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.
A/cawaale
Halgan.net