Taliyaha Ciidamada nabadsugida Gobolka Banaadir oo dil ku sigtay
August 2, 2012 - Written byMuqdisho:-Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa saaka ka badbaaday qarax miino oo loo dhigay wado aan ka fogeyn hoyga uu degan yahay sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Jen. Axmed Xasan Maalin Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir .
Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa qeyb ka ah howlgalo ay DFKM kula dagaalameyso kooxaha amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab oo inta badan dilalka ka geysta magaalada Muqdisho waxaana ay hay,da Nabad sugida ee DFKM ay ku qabatay magaalada Muqdisho dad oo ay ku tuhunsan tahay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.
Jen. Axmed Xasan Maalin Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ruux qirtay in uu dhigay miinada lagu khaarajin lahaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg
Jen. Ahmed Maalin ayaa sidoo kale sheegay in ruuxa miinada dhigay laga soo diray degmada Huriwaa wuxuuna sheegay in ku qabteen Remote Koontarkii uu ku hagayey miinada .
Ma jiraan war ka madax banaan sheegashada Jen. Ahmed Maalin mana jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadashay qaraxa lagu weeraray Taliyaha Ciidamada nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg .
A/Cawale
Halgan.net