War-Saxaafadeed ka soo baxday qaar ka mi ah saxiixayaasha Roadmap-ka(Akhriso)
August 26, 2012 - Written byMuqdisho:-Go’aankii xalay ka soo baxay Madaxda Sare ee DFKG-ah oo amrayey in dhamaystirka xubnaha Barlamaanka ee ay reebeen Guddiga Farsamada ee Xulitaanka loo gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dowladda KMG-ah ay siyaasiyan iyo sharciyanba khalad tahay.Heshiiskii Galkacyo ee Maarso iyo kii Addis-Ababa ee Meey 2012, waxay saxiixayaasha Road-mapka ku heshiiyeen ayna saxiixeen in farsamada xulitaanka Baarla maanka cusub loo daayo Guddi madaxbanaan oo ka kooban; 27 xubnood oo Soomaali-ah iyo 7 xubnood oo beesha calamka ka socota. Gudigaas oo xubnaha Barlamaanka odayaal dhaqameedka ka hubinayo in ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyey ee ka midnoqoshada xubnaha Baarlamaanka cusub.
Ujeeddada gudigaan madaxa bannaan loo sameeyey waxay ahayd in soo xulitaanka Barlamaanka cusub laga ilaaliyo faragelin Dawladda TFG iyo saxiixyaasha kale ee Road-mapka.
no images were found
Shalay oo taariikhdu ahayd Agoosto 25, 2012 ayaa Guddiga Madaxbannaan shaaciyeen in 253 xubnood oo Barlamaanka cusub (00 ah 92%) ay soo dhamaystireen, taas oo ka turjumaysa in tiro Barlamaan oo ka hawlgelikarta Shaqada dastuuriqa ee barlaamaanka ay diyaar yihiin.
Waxaa waajib ah in Guddiga loo daayo gunaanadka shaqada loo igmaday, lagana joojiyo faragelinta lagu hayo, waxayna shaqadoodu dhammaanaysaa marka ay iclaamiyaan in 275-tii xubnood ee Barlamaanka cusub buuxo lana dhaariyey.
Waxaa saxiixay:
________________________ ___________________________
Maxamed Axmed Caalin Maxamed Maxamud Yusuf (Aw-Libaax)
Madaxweynaha Galmudug Madaxa Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca
Muqdisho