Xildhibaanada Baarlamaanka ee DFS oo la dhaariyey iyo gudoomiye la doortay
August 20, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa goordhow la soo gabagabeeyey dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee DFS Xildhibaannada la dhaariyey ayaa tiradoodu waxay dhan tahay 211 Xildhibaan waxaana dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Abukaate Ceydiid Ilka Xanaf.
Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay doorteen markii la soo afmeeray dhaarinta xildhibaanada Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS waxayna u doorteen General Muuse Xasan Cabdulle oo isagu ugu da’da weyn
Markii la doortay Gudoomiyaha ku meel gaarka ee Baarlamaanka DFS General Muuse Xasan Cabdulle ayaa waxaa uu khudbad kooban ka jeediyey wuxuuna ku dhawaaqay xiliga la dooranayo Gudoomiyaha Baarlamaanka isaga oo sheegay in la qaban doono araajida raga u tartamaya xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka 25 bisha august waxaa kale uu sheegay in la dooran doono gudoomiyaha baarlamaanka DFS 25 bisha august 2012.
Warka oo faahfaahsan dib baan idiinka soo gudbin doonaa Inshalaah
A/Cawale
Halgan.net