Xildhibaannadii Baarlamaanka DFS ee La Diiday oo Qaarkood la Ogolaaday
August 22, 2012 - Written byMuqdisho:-Guddiga Farsamada ee xulista baarlamaanka ayaa sheegay inay ogolaadeen qaar ka tirsan xubnihii dib loogu celiyay odoyaasha dhaqanka kuwaasoo qaarkood lagu eedeeyay inay danbiyo galeen. Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yaray” la-guddoomiyaha guddiga oo VOA wareysi siisay ayaan si toos ah u sheegin cidda ay yihiin xubnaha la ogolaaday, balse waxay sheegtay in 19 qof oo 7 ka mid ah ay yihiin kuwii lagu dhaganaa la ogolaaday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub. Warar ayaa sheegaya in xubnaha la ogolaaday uu ku jiro Xasan Macallin oo horey u ahaa wasiirka madaxtooyada kana mid ah xubno u si weyn ugu ololeeyay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed
VOA Somalia